Taariikh Nololeedkii Ugaas
Yassin Ugaas Cabdiraxmaan
1915-2000
KULLU NAFSI DAA’IQUTU AL-MOWT
(Sadaqallaahu Al-Cadiim)
Waxaa gelinkii danbe oo ay
taariikhdu ahayd 31/12/2000 ku geeriyooday magaalada Bosaaso Ugaas yaasiin
Ugaas Cabdiraxmaan oo da’diisu dhammayd 85 sano, allaha u naxariistee.
Marxuum Ugaas Yaasiin wuxuu
Ugaasnimada hayey 59 sano. Marxuum Ugaas Yaasiin waxa uu ku dhashay
Magaalada Boosaaso, taariikhdu markay ahayd 1915. Wuxuu waxbarashadiisii
diinta islaamka ka bilaabay Magaalada Boosaaso, halkaasoo uu Xaafidil
qura’aan uu ku noqday. 1935-1938 wuxuu waxbarasho u tegey Muqdisho oo uu ka
dhiganaayey iskuul Talyaanigu ugu talo galay Ilmaha madax-dhaqameedyada
Soomaaliyeed, oo ahaa iskuul isbishaale ah ( Schola Speciale per I figli di
capi Somnali).
Sannadkii 1941kii Waxaa
Ugaas Yaasiin Ugaas cabdiraxmaan loo caleemo saaray Ugaasnimada. Wuxuu ka
mid ahaa halgamayaashii gobanimodoonka Soomaaliyeed.
1947dii wuxuu noqday
Xaghayaha Xisbiga SYL ee Degmada Boosaaso.
1951kii Guddoomiyihii
Magaalada boosaaso ee Talyaaniga u joogay wuxuu talo ku bixiyey in la dilo
Ugaaska, oo markaas ahaa xoghayihii xisbiga SYL, Ugaasku markuu ka warhelay
Arrintaas wuxuu u baxsaday dhinaca Waqooyi uu ka galay Ceelaayo-Ceerigaabo,
Burco-Hargeysa. Magaalooyinkaas oo si fiican loogu soo dhoweeyey, kadibna
wuxuu u gudbay xamar, waxaana lagaga hor yimid magaalada Jawhar. Ugaasku
markuu xamar tegey xog-warran ayuu u jeediyey Golihii dhexe ee SYL, kadibna
Dacwadoodii ayey UN-ka u gudbiyeen, UN-kiina waxay Talyaaniga culays ku
saareen in dadka cadaadiska laga daayo, ammaanka Ugaaskana la sugo, markaas
kadib ayuu Boosaaso kusoo laabtay waxaana loogu soo dhoweeyey si wanaagsan.
1956-1959kii Ugaasku wuxuu
ka mid noqday xubin baarlammaankii ugu horreeyey ee loo sameeyey dalka
Soomaaliya (Daakhiligii), intii ka danbeysay wuxuu ka mid ahaa Baarlammaanka
ilaa 1969kii. Xilligaas ka dib wuxuu ka shaqaynayey caanna ku ahaa
Nabadaynta & suluxa Ummadda Soomaaliyeed, wuxuu kaloo caan ku ahaa astaan
hoggaamiye dhaqameed iyo mid diineed, isagoo ahaa xaafidil Qur’aan kuna
xeeldheer shareecada diinta islaamka, wuxuu ku hadli jirey Luqadaha (afafka)
Carabiga iyo Talyaaniga.
1991dii Ugaas yaasiin allaha
u naxariistee wuxuu ka mid ahaa Guddigii Odayaasha ee isu xil-saaray in ay
kala dhex-galaan dhinacyadii ku dirirayey Magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa
shakhsiyaadkii raadiyo Muqdisho kala hadlay ummadda Soomaaliyeed, isaga oo
kasii daayey baaq nabadeed, habeenkaasna ka baaday gurigiisii, isaga iyo
kuwo kale oo ka mid ahaa guddigaas.
Guddigaas odayaasha ee
nabadaynta ummadda qaar ka mid ahaa ayaa naftoodii ku waayey sida:
Marxuum Xaaji Muuse Boqor (Allaha
u Naxariistee) Marxuum xaaji xaashi weheliye( Allaha u Naxariistee),waxaa
kaloo isla goobtaas ku dhaawacmay Marxuum Sheekh Maxamed Maxamuud (faruur) (Allaha
u Naxariistee) oo guddiga ka mid ahaa & shakhsiyaad kale.
Dalalka uu maray waxaa ka
mid ahaa Djibouti, Ethiopia, Kiinya Ugaandha, Tansaaniya, Yemen, UAE, Ciraaq,
Syria, Urdun, Lubnaan, masar, turkiga, Baytul Muqdis inta aanu u gacan gelin
Dawladda Yuhuudda, Jarmalka, Talyaaniga iyo dalka Maraykanka oo uu joogay
1963 markii lagu dilay Madaxweyne John F. kenedy.
Maanta oo Bishu tahay
31/12/2000 waxaa magaalada Boosaaso lagu aasay Marxuum Ugaas Yaasiin Ugaas
Cabdiraxmaan, waxaana aaskiisii kasoo qayb galay dad aad u farabadan oo
isaga yimi Gobolada w/Bari soomaaliya & Gobolada deriska la ah.
Marxuum Ugaas yaasiin wuxuu
ifka kaga tegey 49 Qof oo isugu jira waxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen &
laba Xaas.
Innaa Lillaahi Wa Innaa
Ileyhi Raajicuun
(Sadaqallaahu Al-Cadiim)
Waxaa soo ururiyey
Maxamuud Bile Dubbe
Bossaso,Somalia 01/01/01
Tel: 252-52-34785 (Guriga)
Mobile: 252-52-50693