-----Taariikh Nololeedkii Saciid Cadduur.-----
Allaha u naxariistee
Wasiirkii Maaliyadda Punt Land, Marxuum Siciid Maxamed Maxamuud oo lagu
naanaysi jiray (Siciid Caduur) oo saaka ku geeriyooday Isbitaalka Boosaaso
ayaa lagu aasay isla Saaka Qabuuraha Biyo Kulule ee Magaaladda Boosaaso.
Aaska marxuumka waxa ka qayb galay sii hayaha xilka madaxweynaha ahna
wasiirka arrimaha diinta iyo Awqaafta ee maamul goboleedka Puntland
Barkhad Cali Saalax, wasiirka Dowlahadaha Hoose iyo horumarinta reer
Miyiga Cali Cabdi Awaare, wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Maxamuud Bile
Dubbe, issimo, dadweyne aad u farabada oo isugu jiray ehelladiisa iyo dad
kale oo marxuumka si wayn aqoon ugu leh iyo madax kale oo aad u farabadan.
Marxuum Siciid Maxamed Maxamuud (Siciid Caduur) wuxuu ku dhashay magaalada
Boosaaso sanadkii 1937-kii, hooyadii waxaa la oran jiray Saynab Maxamed.
1953-dii waxaa loo qaatay ciidamadii daraawiishta ee la oran jiray
Wiilwaal oo saldhiggoodu ku yaallay magaalada Beledweyne
1960kii wuxuu noqday hogaanka maamulka lacagta ee ciidamada Booliska.
1968-dii wuxuu ka ruqsaystay ciidamadii booliska isagoo isku sharaxay inuu
noqdo mudane baarlamaan isagoo iska sharraxay xisbigii la oran jiray
Xisbiga Hawliga iyo Hantiwadaagga ee magaalada Boosaaso.
March 1969kii ayuu si rasmi ah uga mid noqday xildhibaannada baarlamaanka
Biishii may isla sanadkaasi waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka
wasaaradda waxbarashada.
Isla sanadkaasi markii uu inqilaabku dhacay kama uusan mid noqon
wasiirradii la xiray.
Sanad ka dib 1970-kii waxaa loo magacaabay agaasimaha madbacadda gobollada
waqooyi galbeed.
1975-tii waxaa loo magacaabay agaasimaha waaxda ganacsiga ee madbacadda
qaranka ee xamar.
1978-dii waxaa loo magacaabay ku xigeenka maareeyaha madbacadda qaranka
ilaa iyo burburkii dhacay ayuu xilkaasi hayay isagoo welibana ahaa
agaasimihii waaxda ganacsiga.
1991-dii -1992-dii markii ay burburtay dowladdii dhexe wuxuuka mid noqday
guddiyadii ururka SSDF-ta ee gobolka Bari.
Wuxuu ka mid ahaa dadkii markii C/laahi Yuusuf raacsanaa xiligii uu
gudoomiyaha SSDF ahaa ayna isu raaceen magaalada Muqdisho iyo weliba dalka
Itoobiya.
1993-dii wuxuu kamid noqday ergadii ka qayb qaadatay shirkii dib u
heshiisiinta Mudug.
1994-tii wuxuu ka qayb galay shirkii sodera ee lagu
midaynayey garabyada SSDF
1996-dii golihii dhexe ee SSDF isagoo gudoomiye ka ahaa golihii hanti
dhowrka ee SSDF.wuxuuna noqday Guddoomiyaha Hanti dhowrka SSDF
1998-dii wuxuu ka mid noqday aas aasayaashii dhismaha dowlad goboleedka
Puntland, xilkii ugu horreeyay ee loo magacaabay wuxuu ahaa wasiirka
maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland wuxuuna xilkaasi hayay ilaa
bishii June 2003-dii.
2003-dii waxaa loo dhiibay xilka wasaaradda caafimaadka.
2004- Waxaa caafimad loogu qaaday Magaalada Nairobi
2005- Waxaa loo magcaabay la taliyaha Madaxweynaha xagga arrimaha
dhaqalaha
Mudooyinkii ugu dambeeyay marxuum Siciid Maxamed Maxamuud Siciid Caduur
xaaladiisii caafimaad waxay ahayd mid aad u liidatay. Wuxuuna dhowr jeer
uu safar caafimaad u tegay magaalada Nairobi.
Marxuumka wuxuu lahaa hal xaas oo lagu magacaabo Cibaado Dhaadey Magan,
wax caruur ahna ifka uguma tegin.
Waxaan u rajaynaynaa in allaah jannadii geeyo eheladiisii iyo umadda
somaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.
Allaah ha u
naxariisto Saciid Maxamed Maxmuud (Saciid Cadduur).
Waxaa isku soo dubbariday
Mohamuud Bile Dubbe
tell-002525-796434
Bosaso Somalia |
Biyo Kulule
BosasoCity
Togga Laag
Buurgaaban
Maydi
Geed Xiji
President AbdillahiYusuf
Prime Minister
Dr.
Ali Geddi
MohmoodGaidon
Sakariya Mohamed
|