BiyoKulule online Bosaso, Puntland, Somalia |
The Yibir Of las Burgabo :
|
Sida la wada ogsoon yahay ummad waliba waxa ay leedahay Ab iyo Abtrisi loo sii kala dhambaallo Fir, Qabiil, Beelo, Jilibyo iyo Jifiyo: taas oo keenta saameynta dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadda (Socio-political and economic aspects) ee ay wadaagaan intii bah wdaag ah. Way dhici kartaa in dadka qaarkii iska fogeeyaan xumaanna ka dhigaan wax ka sheegista iyo ku dhaqanka taxan taran. Waa hubaal in ay ka eegeen dhanka gurracan iyaga oo ka shidaal qaadanaya si xun u adeegsiga dadku hadda u badan yahay, iyo u isticmaalka qaraddo iyo dano shakhsiyadeed oo adeegsaduhu ku marin habaabiyo wax ma garad fara badan, baaqiisuna ama tiraabkiisuna yahay yeedhmo foolxun oo la yiraahdo “Tolla’ayeey” Haddiise aan dhanka san ka fiirino, xasuuso sidii Eebaheen inagu yiri Qur’aanka kariimka “” waxa aanu idiinka yeelnay umaddo iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan. Dib u eeg dhaqankii Awoowayaal ee u adeegsan jiray taxa taranka ama ku salayn jiray is aqoonsi, is taakuleyn, iska qabasho wixii qaldan ee intii isku heybta ah, taas oo ay u dheerayd iyaga oo la lahaa haybaha kale, xiriir, xeer, xididnimo. Waatayna ka baxday waxa tol loo yahay (nin qaldan qabashadii iyo nin baahan wax siintii). Hadaba, taxa taran saamaynta uu ku yeesho dhaqanka, dhaqaalaha iyo siyaasadda waxa aan ku soo koobi karaa sidan: -
Dhaqanka:- Ergeynta,
isqabashada, ku dhaqanka xeerka, xushmaynta xididka, nabadgelinta
maganta iyo Dhaqaalaha:- Magta, kaalmadda, kaaladda, is xoolaynta, qaadhaanka IWM. Siyaasadda:- La samaysiga xeerarka beelaha kale, doorashooyinka deegsiimooyinka, derisnimada, nidaam is maamul leh, isim, guurti, iskaalmaysiga iyo wax wada qabsiga beelaha kale. Waxaa intaa dheer, in silsiladda taxa taran aad ka dhex heli kartaan oo laga dheehan karo ashkaasta bulshada dhexdeeda ku leh magac weyn, sida Hoggaamiyayaasha, Abwaanadda, Isimada, Culumaa’udiinka IWM. Hadaba, daraasaddan silsiladda taxan taran ee beesha Axmed Harti (MOORACASE) oo iyada lafteedu loo sii kala qaaday Jilibyo, Jifiyo iyo waliba bah wadaago, waxa ay leedahay nidaam ismaamul oo uu hoggaan ka yahay Isin martabaddiisu tahay UGAAS. Axmed Harti waxa ay daggan yihiin deegaanka (Waqooyiga – Koonfureed ee Soomaaliya).ee gobolada BARI, KARKAAR iyo Bariga SANAAG Muhiimadda qoristeeda keentay waxa ugu weynaa: - 1. Iyada oo aan horay loo samayn la hayna tixraac qoraal ah. 2. Burburkii ka dhacay Soomaaliya oo sababay in dhalinyaro fara badan debadda u yaaceen, qaar kalena ay ku dhasheen oo ay halis tahay in ay ka lunto dhaqankii iyo hiddihii iyo faa’iidooyinkii kale ee ay lahayd taxan taran oo ay daraasaddani u noqoto marjac 3. Iyada oo isku dayo fara badan oo la sameeyay haba u battaan dad ajnebi ah, way u suurto geli wayday in ay si qoto-dheer oo gudub iyo hoosba ah u dhammaystiraan waxayna ku koobeen dul ka xaadin fahamkeeda adkaan karo, waloow ay dadaaleen. Waxaa ka mid ahaa dadka dadaalka weyn sameeyay qoraaga weyn ee I.M. Lewis buugiisa “People of the Horn of Africa (Somali, Afar and saho). Halka kuwo kale dadaalkoodu nuqsaan ku noqon karaan qaladaad aasaasi ah sida (Human rights Development report 1998 “Appendix C Clans of Somalia”) oo aan ku tilmaami karo meeshuu ku yiri “The Darod includes smaller clans such as Awrtable, Dishishle and Leelkase” inkastoo Dishishe yahay Darood haddana lama sinna labada uu ku lammaaneeyay ee waxa uu soo raacayaa taxa Kablalax – Harti – Mooracase – Dishishe. Sidaa darteed waxa qoraha taxan taran culays weyn saaray qabyo tirka Fir iyo Farac. 4. Daraasado kale ee aanu xiganay waxaa ka mid ah:
The Somali Clan system, An
Introduction of Somali Socieity and History – by GUID AMBROSO – where
sub office – Jigjiga Ethopia. Xusuus: Waxa aan ku muujinaynaa (Silsiladdan) qoraalkan shakhsiyaadka gabayada caanka ah curiyey, waxa aan ku summadeynay calaamadda xiddigta shan geeska ah, Gabayadaas qaybta dambe ayaan ku soo daacaynaa insha’allah. # Waxaa kale ku muujinaynaa sil-siladan tujaartii caank ahayd ee badaha iskaga gooshi jiray v Waxaa iyana sil-siladan ka muuqata beesha C/kariin Noolays(Tiif Tiif) oo majeerteen ah ee dagaan iyo qaaraanba la wadaagaan qoyska reer naaleeye v Sidoo kale qoyska Cawad deebaani oo yamaniyiin ah ay igauna deegaan iyo qaaraanba la wadaagaan qoyska reer boqor MAHADNAQ Waxaa mahd leh illaah waxaa kale oo iga mudan mahadnaq dhammaan dadkii igu gargaaray isku-dubaridka iyo hannaanita Silsiladda Taxanka Taran ee beelaha AXMED HARTI (MOORACASE); dadkaas oo ii fidiyey taageero niyaddeed iyo mid dhaqaale.Waxa aan sidoo kale u mahad celinayaa intii gacanta ka geysatay soo saaridda buugaan oo la’aantood aanay ii suurto gasheen qabyo tirkiisu. Inkasta oo aan halkan ku soo koobi karin waxa aan ka xusayaa.
Waxa aan si gaar ah ugu mahad celinayaa Xassan Maxamed Cumar “Looshade” iyo Axmed Cabdi Maxamuud “Goobe” oo isku dubaridka, Garaacidda, Tafatirka iyo qaabaynta buuga uga qayb qaatay. Waxaan abaal weyn u hayaa Suudi Mire Saalax oo taakulayn hagar la’aaneed igu taban taabiyay si taas oo fir fircooni dheeraad ah igalisay si uu u dhamays tirmo qaybtaan buugaan. Mahadsanidiin Maxamuud Bile Dube: Mobile: 252590-726434 - 2525615593054 E-mail ; [email protected] Bossaso - Somalia
|